Qalab Caafimaad oo ka yimid Turkiga oo Garoonka Muqdisho laga soo dejiyay+Sawirro

Date:

Diyaaraddii seddexaad oo deeq agab caafimaad sida oo ka socota Dowladda Turkiga ayaa saakay oo axad ย ka soo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.

Qalabkaan ay ah kuwa lagula tacaalo xakameynta iyo ka hortaga Cudurka safmarka ah ee Coronavirus .

Muqaal kooban oo ay Wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya ku daabacday barta ay ku leedahay faceboka ayaa u qornaa sida tan โ€œDiyaaradii sedexaad ee sida qalab caafimaad ย ee ka socota Dowladda Turkiga ayaa kasoo degetay gageda Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladdaha sida xowliga ah Dowladda Soomaaliya uga taageerayo xakameynta cudurka Covid-19 oo sameyn ku yeeshay dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii ugu dambeysay ku sheegtay in la diwaan geliyay 48 saac ee la soo dhaafay ilaa 51 xaalado cusub oo COVID-19, 10 ruux ay bogsooseen hal qofna uu u geeriyooday.

Tirada xaaladaha COVID-19 guud ahaanย  dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. Halka 32 ruux oo kale ay u geeriyoodeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...