Ciidamada Hirshabelle oo hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Duleedka Jawhar

Date:

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo kuwa xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada Al-shabaab ka wada duleedka magaalada Jowhar oo xalay maleeshiyadu ay isku dayday in ay weerar gaadmo ah ku soo qaado fariisimo ciidamadu ay ku lahaayeen duleedka magaalada.

Ciidamada ayaa fashiliyay weerarka oo argagaxisadu ay dooneysay in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Jowhar, waxaana iska hor imaad kooban oo ka dhacay duleedka buundada xaafadda Buulo-sheekh ee barigga magaalada lagu kala ceyriyay maleeshiyadi dooneysay in ay carqaladeeyaan ammaanka caasimadda Hirshabeelle.

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in dadka shacabka ah aysan soo gaarin wax khasaare ah, waxaana  ciidamadu ay saaka u ruuqaansadeen deegaanno dhaca duleedka bari ee magaalada Jowhar, iyagoo  tuulooyinka hoostaga ka wado howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...