Abaal-marin La Guddoonsiiyay Arday Dhammeysatay Barashada Qur’aanka Ee Dalka Mareykanka “Sawirro” .

Date:

48 Arday oo Soomaali ah ayaa loo qabtay xaflad  qalin-jibin  ah ka dib markii ay soo dhaameysteen barashadda qur’aanka kariimka taasi oo ay soo diyaariyeen  Daladda ohio Dugsi Association daladdaas oo ay ku midoobeen dugsiyada qur’aanka ee ku yaaal dalka mareykanka .

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay waalidiin, arday iyo martisharaf kala duwan oo lagu casuumay kuwaas oo farxadda la qeybsanayay ardayda dhammeysatay barashada qur’aanka kariimka ah.

Caruurtaan oo ah aad u yar yar kuna dhashay dalka mareynkanka ayaa ka kooban wiilal iyo gabdho intooda badan aad ka dareemaysay inuu ku dhacay is-bedel dhinaca ku hadalka Afka hooyo ee Soomaaliga balse waxaa wejiyadooda laga dheehan karayay farxad dhinaca horumarka ay gaareen.

Qaar kamid ah Waalidiinta oo ka hadlay madasha xafladda ayaa u mahadceliyay macallimiinta  ku soo dadaalay in ay ubadkooda soo gaaraan heerkan oo ay bartaan xifdinta qur’aanka kariimka qowlka eebbe.

Maamulka Daladda Ohio Dugsi Association oo ay ku midoobeen dugsiyada qur’aanka ee dalka Mareykanka ayaa aad u bogaadisay arday kuna dhiirigelisay ine horay usii wadaan  waxbarashadda.

Caruurta ku dhalata wadamadda shisheeye  oo aan ku hadlin Afka Soomaaliga  iyo Carabiga ayaa inta badan macallimiinta kala kulmaan dhib badan oo ah dhanka hingaadda iyo xuruufta labada luuqadood.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...