Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday dalka Turkiga oo geeriyooday

Date:

Ankara-(SNTV)-Wararka ka imaanaya magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhaawacyadii shalay laga qaaday magaalada Muqdisho oo aheyd dumar ay geeriyootay, Aamina Cusmaan Kheyre oo dhaawaceeda ahaa mid culus ayaa la sheegay inay geeriyootay intii loo sii waday Isbitaalka.

Illaa afar Isbitaal oo ku yaalla magaalada Ankara ayaa loo kala gudbiyay dhaawacyada, waxaana Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ka qeyb qaadanayaan sidii ehelada la socda dhaawacyada ay uga caawin lahaayeen dhanka turjumaada.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal xooggan ku bixineysa gurmadka dhaawacyada iyo sidii xaaladooda loola tacaali lahaa, waxaana shalay u soo dirtay Muqdisho diyaarad qaas ah oo loogu tala galay in xaalada dhaawacyada lagula tacaalo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...