Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaalkiisii uu ku tagay Dalalka Qatar iyo Swizerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo doorka ganacsatada ee dib-u-dhiska Dalka.

Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu Dooxa  joogay waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Desembar 16, 2019, lagu soo dhoweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha Qaxootiga Adduunka oo markii ugu horresay Sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Qaxootiga Adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dalka  Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga Adduunka,Axel van Trotsenburg.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...