Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaalkiisii uu ku tagay Dalalka Qatar iyo Swizerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo doorka ganacsatada ee dib-u-dhiska Dalka.

Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu Dooxa  joogay waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Desembar 16, 2019, lagu soo dhoweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha Qaxootiga Adduunka oo markii ugu horresay Sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Qaxootiga Adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha Qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dalka  Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga Adduunka,Axel van Trotsenburg.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qeybgalay Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Bashe...

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Kulan La Yeeshay Xoghayaha Dowladda ee Arrimaha Afrika ee Aljeeriya

Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...