Akhriso: Macluumaad Ku saabsan Taariikhda Xeer-ilaaliyaha Guud ee Cusub Ee Qaranka

Date:

Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003.

Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay magaalada Islamabad ee dalka Baakistaan halkaasi oo ku dhameeyay heerka koowaad ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka isagoo bartay Aqoonta Kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka sidoo kale waxa uu Shahaadada B.A ka qaatay isla Jaaamacaddaasi isagoo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law).

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibadiisa waxaana si kooban loo soo qaadan karaa:-

– Waxaa uu ka soo shaqeeyey dalka Bakistan isagoo noqday Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada.

– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.

– Waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaraddaha Dowlad Gobolleedka Puntland isagoo noqday La-taliye dhinaca Sharciga ah.

– Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna macalin ka kamid ah macalimiinta Jaamacadda Puntland ‘Puntland State University’ oo kutaala magaalada Garowe.

– Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017

-Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada ee hay’adda: AMAL EXPRESS iyo AMAL BANK. 2015-2016.

– Lataliye Sharci iyo Dastuur ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018.

– Aas-aase, ahna Guddoomiye Ku xigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee dadka danyarta ah.

– Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019.

Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018.

Maanta ayaana ugu dambeyn loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...