QM oo 18.7 Milyan oo Doollar ku bixisay fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya

Date:

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo  howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF)  iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...