Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Date:

Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Magaalada Addis-abab ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo loogu guddoomay danjiraha dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya Abdulhakim Abdullahi Xaaji Cumar Cameey

Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi,taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal,sida uu Wakaaladad SONNA u sheegay Danjire Abdulhakim Abdullahi Xaaji Cumar Cameey

Waxaa ka qeybgalay munaasabadda soo dhaweynta ah diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya,iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalkaasi Itoobiya.

Wuxuuu wakiil ka noqonayaa safiirnimada Itoobiya AU iyo UNECA.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...