Wasiirka Maaliyadda DFS Oo Ka Warbixiyay Waxqabadka Wasaaradda Iyo Guulihii Ay Ku Tallaabsadeen

Date:

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, C//raxmaan Ducaale Beyle ayaa  maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulan uu kaga warbixinaayey waxqabadkii kala duwanaa ee bishii la soo dhaafay u suurtagalay Wasaaradda iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay wasaaradda.

Kulankaan oo ah mid bishiiba mar loo qabto bulshada ayaa waxa uu la xiriira sidii dadka loo siin lahaa faah-faahinta Maaliyadeed iyo waxa u qabsoomay wasaaradda mudada bisha ah ee tagtay

Waxaan soo bandhigay natiijadii ka soo baxday shirarkii aan la soo galay madaxda hey’ada ha kala ah, IMF, World Bank iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Beyle ayaa xusay in bulshada lala wadaagayo hiigsiga ku aadan hanaanka deyn-Cafinta oo uu tilmaamay in rajo wanaagsan laga  leenahay sanada soo socota ee 2020,

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Beyle ayaa shacabka kula dardaarmay in si wadajir ah gacmaha la is-qabsado islamarkaana loo shaqeeyo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...