Wasiirka Amniga Gudaha XFS Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe Ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda

Date:

Dhismahan uu maanta dhagax dhigay Wasiirka Amniga Gudaha oo ku yaalla agagaaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noqonaya xarrunta dhexe ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS wuxuuna dhismaha Xaruunta socon doonaa ilaa 2021 iyadoo ay ku baxeyso lacag dhan $5Million oo Dollar oo ay maalgalinayaan dalalka Britain,Norway, Finland iyo Denmark.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ahna kusimaha Agaasimaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine) oo ka hadlay goobta dhagax dhigga ayaa xusay in muddo saddex sano ah ay soo socotay howshan ayna u mahadcelinyaan madaxda Qaranka iyo Dowladaha maalgalinaya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa talaabo hore loo qaaday ku tilmaamay dhismaha xarruntan oo ah mid balaaran isagoona bogaadiyay Howlaha Hay’adda Socdallka iyo Jinsiyadda ay u ehyso bulshada.

”Waxaa farxad noo ah in shirkado badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah usoo tartameen dhismahan balse Shirkad Soomaaliyeed ay ku guuleysatay mashruucaan ,madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  iyo shaqaalahoodaba waa ku amaanayaa dadaalkooda waxaana filayaa in 15-ka Janaury 2021, dhismahan oo la dhameeyay furayaashooda lagu wareejiyo” ayuu yiri Wasiir Ducaale

In Hay’dda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay yeelato xarrun dhexe oo u gaar ah ayaa la rumeysan yahay inay sii xoojineysa isku xirka howlaha iyo adeegyada hay’ada ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee kunool Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...