Wasiirka Amniga Gudaha XFS Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe Ee Hayโ€™adda Socdaalka & Jinsiyadda

Date:

Dhismahan uu maanta dhagax dhigay Wasiirka Amniga Gudaha oo ku yaalla agagaaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noqonaya xarrunta dhexe ee hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS wuxuuna dhismaha Xaruunta socon doonaa ilaa 2021 iyadoo ay ku baxeyso lacag dhan $5Million oo Dollar oo ay maalgalinayaan dalalka Britain,Norway, Finland iyo Denmark.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ahna kusimaha Agaasimaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine) oo ka hadlay goobta dhagax dhigga ayaa xusay in muddo saddex sano ah ay soo socotay howshan ayna u mahadcelinyaan madaxda Qaranka iyo Dowladaha maalgalinaya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa talaabo hore loo qaaday ku tilmaamay dhismaha xarruntan oo ah mid balaaran isagoona bogaadiyay Howlaha Hayโ€™adda Socdallka iyo Jinsiyadda ay u ehyso bulshada.

โ€Waxaa farxad noo ah in shirkado badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah usoo tartameen dhismahan balse Shirkad Soomaaliyeed ay ku guuleysatay mashruucaan ,madaxda Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaย  iyo shaqaalahoodaba waa ku amaanayaa dadaalkooda waxaana filayaa in 15-ka Janaury 2021, dhismahan oo la dhameeyay furayaashooda lagu wareejiyoโ€ ayuu yiri Wasiir Ducaale

In Hayโ€™dda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay yeelato xarrun dhexe oo u gaar ah ayaa la rumeysan yahay inay sii xoojineysa isku xirka howlaha iyo adeegyada hayโ€™ada ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee kunool Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...