R/Wasaare XFS Mudane Xasan Cali Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Denmark “Sawiro”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane; Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid Dalka.

Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Ladabada Dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib usoo kabashada Dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha Dowliga ah iyo qorshaha dib u qaabeynta iyo dedaalka ay ugu jirto la dagaallanka Argagaxisada iyo dhismaha mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee Labada Dowladood.

Bishii October ee Sannadkan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga Dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay Magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...