R/Wasaare XFS Mudane Xasan Cali Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Denmark “Sawiro”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane; Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka arrimaha dibedda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo Maanta booqasho ku yimid Dalka.

Kulanka Labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Ladabada Dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib usoo kabashada Dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian ayaa bogaadiyay horumarka ay Dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha Dowliga ah iyo qorshaha dib u qaabeynta iyo dedaalka ay ugu jirto la dagaallanka Argagaxisada iyo dhismaha mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta Dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee Labada Dowladood.

Bishii October ee Sannadkan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga Dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay Magaalada Washington ku yeesheen kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaaraha XFS oo magacaabay masuuliyiin cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka ganacsiga XFS iyo wasiirka ganacsiga Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho...

Wasiir dowlaha wasaaradda beeraha XFS oo shir uga qayb galay Masar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane: Asad...