Wasaaradda Xanaanada Xoolaha K/Galbeed Soomaaliya Oo Daahfurtay Mashruuc

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guulleed ayaa daahfuray Mashruuca Daaweynta Xoolaha ee magaalada Baydhabo, kaas oo sahlaya in lagu ogaado caafimaadka iyo xaaladaha xoolaha nool ee deegaannada K/Galbeed.

Wasiirka oo degmada Baydhabo kula hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in Mashruucan ay ka faa’iideysan donaan illaa iyo 100 qoys oo danyar xoolo dhaqato ah kuwaasoo xoolahooda looga daaweyn doono cudurada.

Mukhtaar Maxamed ayaa sheegay in mashruuca ay iska kaashanayaan hay’adda Save the Children iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KG.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa K/Galbeed ayaa sidoo kale in ka Warqabka Caafimaadka Xoolaha ay tahay muhiimadda koowaad ee Wasaaraddu leedahay isgoona sheegay in ay ka go’an tahay in la sii wado dadaalka loogu jiro la tacaalidda cudurada soo wajaha xoolaha.

Ugu Dambeyn Wasiirka ayaa baaq u diray dhammaan hay’adaha ku howlan Arimaha Xanaanda Xoolaha in ay wasaaraddu si toos ah ula soo xiriiraan si howlaha ay wasaaradiisu ula socoto isagoo ballan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqeeyn doonaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...