Ra’iisul wasaaraha dalka oo kormeeray isbitaalka Banaadir.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kormeeray Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir oo dowladdu ay dib ula wareegtay horraantii sannadkaan si uu qayb uga noqdo qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka.

Maamulka Istibaalka Banaadir oo Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay xaaladda isbitaalka ayaa sheegay in isbitaalka adeeg caafimaad oo tayo leh lacag la’aanna ah loogu sameeyay 37,000 oo hooyooyin iyo carruur Soomaaliyeed ah oo 24,000 kamid ah ay yihiin carruur, intii u dhexeysay bilihii Feberaayo iyo September ee sannadkaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay sida hufan ee maamulka isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadku ay isaga xil saareen howl gelinta iyo horumarinta Isbitaalka, ayaa sheegay in loo baahanyahay in howsha la ballaariyo si dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay u helaan adeegga caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta horumarinta caafimaadka bulshada, ayaa bishii labaad ee sannadkaan dib ula wareegtay Isbitaallada Banaadir iyo Martiini, waxaana dhawaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu dhagax dhigay Xarunta Bangiga dhiigga oo qayb ka ah qorshaha horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...