Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay ka dib ka qaybgalkii Shirka Qaramada Midoobay+Sawirro

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga Jamhuuriyadda ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalkeenna iyo himilada shacbkeenna ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.

“Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.”

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda diblumaasiyadeed ee dhismaha Safaaradda Washington ee ay Dowladdu halkaas ka hirgelisay u leedahay dalkeenna iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka. 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted Her Excellency Sophie,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Saciid Maxamuud Axmed 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...