Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya sharci muhiim ah.

Date:

Madaxweynaha Famhuuriyadda Federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixi doona Sharciga dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee musuq-maasuqa ee Federaal iyo heerka dowlad goboleedka.

Sharcigan oo marxalado kala duwan soo maray wuxuu dhaqan geli doonaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, sharcigan ayaa saldhig u noqon doona la dagaalanka musuq-maasuqa, isla markaana wuxuu badbaadin doonaa hantida dad weynaha.

Sharcigan dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee labada heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed ayuu Madaxweynuhu ku saxiixi doonaa barqanimada maanta ah munaasabad ka dhacayso Villa Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...