Wasiirka amniga XFS oo ka hadlay amniga Galmudug.

Date:

Wasiirka amniga XFS mudane Maxamed Abuukar Islaw oo maanta hadal ka jeediyay shirka dib -u-heshiisiinta Galmudug ee Dhuusamareeb ka socda ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso amniga iyo is dhex galka ciidankii la isku dhafay ee ka howlgalay Dhuusamareeb iyo magaalooyin kale.

Wasiir Islow aya sheegay in madaxda dowladda dhexe ay dadaal xoogan ku bixinayaan sidii loo xoojin lahaa amniga Galmudug iyo isku dhafka ciidanka isla markaa waxaa uu xusay in guul weyn laga gaaray isku dhafkii ciidanka amniga sidoo kale tababar loo qabtay ciidankii Ahlu sunna kuwaas oo tababar ku qaadanaya Muqdisho iyo Jabuuti.

“Ciidamada dareeskii ciidanka waa la siiyay mushaarkii bishii labaad waa la siiyay waxaan hadda ku howlanahay dib u xoreynta goobaha argagixisadu ka joogto goboladaan xerada Harqaboobe ee Guriceel ayay ciidan milatari ah ku qaadanayaan tababar iyagoo loo diyaarinayo xoreynta dhulkaas qorshuhuna wuxuu yahay in doorashada ka hor la xoreeyo dhulka cadawgu haysto.

“Sidaad la socotaan ciidamo ayaa lagu diyaariyay Hiiraan ciidamadaas waxaan rabnaa haduu ilaahay yiraahdo in la soo qaado Guriceel la keeno ciidanka tababar ay isla qaataan ka dibna Galmudug lagu xoreeyo sidoo kale Hirshabelle lagu xoreeyo iyo degaanada kale ee cadawga Khawaarijta ah ay haystaan” ayuu yiri wasiir Islow.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland oo soo afjaray Khawaarijtii weerartay deegaanka Kudhaa.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska Danab iyo kuwa...

Wasiirka Dekedaha XFS oo uga mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta Is-afgaradka Dekadaha Badweynta Hindiya.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka.

Muqdisho, Khamiis, 22 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...