Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee R/wasaaraha XFS ay ka waddo Galmudug

Date:

Guddoonka Golaha Shacabka JFS ayaa bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta ee uu Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka wado deegaannada Galmudug ayadoo guddoonku uu dadka reer Galmudug ugu baaqay iney nabadooda ilaashadaan  .

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Radio Muqdisho codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay in uu bogaadinayo dadaallada dib u heshiisiinta gaar ahaanna dadaalladii ugu dambeeyey ee lagu heshiisiiyey beelaha walaalaha ee Xeraale iyo Huurshe.

“Waxaa aad iyo aad farxad noo ah oo aan Dowladda Federaalka ee Ra’iisul wasaaraha ugu horeeyo aan ku  bogaadinayo ugana mahad celinayo heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Xeraale iyo Huurshe, waxaan sidoo kale Madaxweynaha iyo odayaasha Dhaqanka uga mahad celinayaa xabad joojintii afar bilood ka hor la dhex dhigay dhinacyadaas walaalaha ah “ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cawad.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa si guud u bogaadiyey dadaallada lagu dhisayo Galmudug isaga oo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda ku ammaanay waqtiga uu geliyey dhismaha maamulka loo dhan yahay ee Galmudug oo uu sheegay in uu rajeynayo in uu kasoo baxo maamul samatabixin kara Galmudug , sidoo kalena waxa uu bogaadiyey guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka JFS Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu baaqay dadka reer Galmudug iney gacan weyn ka geystaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhismaha dowlad Goboleed loo dhan yahay oo ay reer Galmudug yeeshaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hamas oo sii deysay maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 183 ruux

Maamulka Xamaas ayaa ilaa hadda sii daayey laba ka...

Madaxweynaha Namibia oo waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya u fadhin doona dalkaas

Madaxweynaha Dalka Namibia Dr.Nangolo Mbumba ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud attended the 26th Extraordinary...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda  Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley Kulan...