R/W Xasan Cali Khayre: Waan isu Keenay Odayaasha Dhaqanka Xeraale Iyo Huurshe Daawo ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Odayaal iyo wax-garad ka socda degaannada Huurshe iyo Xeraale oo muda Saddax Sano ah ay u dhexeysay colaad uu Dhiig badan ku daatay.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaannada degaannadaas ku matala Dowladda dhexe, ayaa qeyb ka ahaa dhammeystirka dadaallo uu R/wasaaruhu soo billaabay dhammaadkii bishii June ee Sannadkan mar uu safar shaqo tagay Huurshe iyo Xeraale.

Xasan Cali Khayre ayaa xilligaasi Labada dhinac kala hadlay soo Af-jaridda codaalla iyo furidda bog cusub oo ah mid nabadeed.

Odayaasha Labada dhinac ayaa R/wasaaraha uga mahad celiyay dedaalka hagar la’aaneed ee uu Galmudug ka wado, waxayna ballan qaadeen in ay ka shaqeynayaan nabadda, wada noolaanshaha, horumarinta degaanka iyo Bulsha ,si loo helo mustaqbal wanaagsan oo ka Madax bannaan colaado iyo rabshado dib u sii dhiga horumarka ay ummaadda Soomaaliyeed hiigsaneyso.

Ra’iisul Wasaarah ayaa Odayaasha Huurshe iyo Xeraale u ballanqaaday in Dowladda Soomaaliya ay ku Garab taagan tahay ka mira dhalinta dedaallada nabadda iyo horumarka, iyaguna laga doonayo in ay dowrkooda nabad-doonnimo qaataan oo ay daacad ka noqdaan dhismaha Mustaqbalka Dadka iyo Deegaanka, wixii horay u dhacayna laga barto casharro qeyb ka qaadanaya wadajirka iyo is-dhex galka Bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...