Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Maanta Kulan La Qaatay Saraakiisha Qeybaha Ciidamada

Date:

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta la kulmay saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo guud ahaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlay dardargelinta amniga, xanaaneynta iyo ka warqabka maxaabiista iyo howlaha kale ee lagama maar-maanka u ah shaqo maalmeedka la xiriira maxaabiista.

Taliyaha oo la hadlaayey boqolaal isugu jiray Saraakiil, saraakiil xigeen iyo ciidanka ayaa kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha ay hayaan ciidanka Asluubta, isla markaana la sii ambaqaado geedi socodka loogu jiro hiigsiga howlaha kala duwan ee horyaalla ciidanka.

Genaral Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta ayaa waxa uu ugu dambeyntii Kormeeray xafiisyada ay ka hawlgalaan saraakiisha Ciidanka Asluubta .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...