Wasiir Maareeye oo kulan la qaatay Wasiirka Qorsheynta XFS ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo maalmahan waday la tashiyo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka (QHQ) ee 9-aad oo meel gabo gabo ah maraya.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa wasaaradda warfaafinta uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ugu diyaarsan tahay qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9-aad, Isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Warfaafinta XFS oo wada shaqayn fiican la sameeyey Wasaaradda Qorshaynta .

Kulankan labada Wasiir ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala iyo Agaasimaha SNTV Mudane Liibaan Cabdi Cali.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...