Maamulka Gobolka Gobolka SH/ Hoose iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Oo Kulan La qaatay Maamulka Awdheegle+Sawirro

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi ayaa kala hadlay la shaqeynta Ciidanka xoogga.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo La Hadley Warbaahinta Qaranka ayaa Sheegay iney safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle oo dhowaan laga xoreeyay Maleeshiyada Argagixisada ee Alshabaab.

Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciiidanka waxaana uu ku bogaadiyay saraakiisha howlgalka dib loogu xoreynayay degmada Awdheegle iyo deegaanada kale.

ugu dambeyn guddoomaha Gobolka Sh/ Hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolkaasi inay soo dhoweeyaan ciidamada meel walba oo ay ku sugan yihiin si looga adkaado kooxda khawaariijta ah ee Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...