Dhismaha Xarunta Dugsiga Sare ee Degmada Xudur Oo dib loo furay 30-sano kadib.

Date:

Muqdisho (SNTV) Munaasabadaan dib u howlgelinta Dugsigii sare ee degmada Xudur ayaa waxaa soo qaban qaabiyey bahda waxbarashada degmada Xuddur ee gobolka Bakool, waxaana ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka KGS, Maamulka Bobolka Bakool,Maamulayaasha goobaha waxbarashada ee degmada Xuudr, waaladiinta ardayda iyo Marti sharaf kale.

Wasaaradda Maaliyada ee XFS ayaa muddo 30 sano ka dib dayactir ku sameeysay dhismo cusub oo lagu sameeyay xaruntii hore ee dugsiga sare ee degmada Xudur.

Munaasabadda dib u howlgelinta dugsiga sare ayaa waxaa hadallo ka jeediyay maamulaha cusub ee dugsiga sare Cali Maxamed Sheekh Cali iyo Guddoomiyaha waxbarashada degmada Xudur Aadan Axmed Maxamuud (Qoosh) iyagoo in sharaftii iyo karaamadii waxbarashada gobolka Bakool ay dib u soo laabatay waxaana ay ugu baaq u direen bulsho weynta kudhaqan deegaannada hoostaga degmada Xudur.

Aasaasayaashii iskuulada Shodog iyo iskuulka Xudur Sheekh Maxamed Kheyr iyo Luul Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey furitaanka dugsiga sare oo baahi weyn loo qabay,iyagoo uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysatay dayactirka dugsigaasi.

Guddoonka waxbarashada gobolka Bakool C/qaadir Nuur Cadow ayaa u madah celiyey guddoomiyaha gobolka Bakool kaalinta uu ka qaatay in 30 sano ka dib dugsi sare dib uu u shaqeeyo, iyadoo halkaasi shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay guddoomiye Maxamed Cabdi Maxamed (Tall).

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Maxamed Tall iyo Wasiir hore ahna Xildhibaan Sheekh Xasan Ibraahim (Lubuur) oo geba gebada munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay bahda waxbarashada iyo bulshada in la iska kaashado horumarinta waxbarashada gobolka,iyagoo dowladda Soomaaliya uga mahadnaqay maalgelinta dib u dhiska dugsiga sare.

Dhismaha dugsi sare ku fadhiya dhul aad u balaaran waxaana qeyb ka mid ah loo qorsheeyey in laga furo jaamacad maadaama degmada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool aysan ka jirin waxbarasho heer Jaamacadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...