AUN Sahra Shiikh  Amiin Markeezi

Date:

Muqdisho (SNTV) Allaha Unaxariisto Sahra Shiikh  Amiin Markeezi, waxa ay ahayd Saxafi Sawir-Qaade ah oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (sntv) oo ay ka howl galaysay muddo ka badan 4 sano ka hor inta aanan loo magacaabin Guddoomiyaha Degmada Shengaani ee Gobolka Banaadir.

Sahro Aabaheed oo lagu magacaabi jiray Sheikh Maxamed Amiin Markeezi ayaa sidoo kale kamid ahaa masuuliyiinta miisaanka ku lahaa dhinaca shaqada isagoo ka shaqeyn jiray Dhinaca farsamada ee Telefishanka Qaranka, waxaana uu dhintay isagoo u shaqeynayay telefishinka kadibna waxaa booskiisa lagu bedelay Sahro oo halkii kasii waday shaqadii uu ka tagay aabahayd.

Sahra ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka  degmada Shengaani, ka hor intii aan loo magacaabin guddoomiyaha degmada iyadoo intii ay joogtay ku soo kordhisay adeegyo muhiim u ah bulshada degmadaasi.

Sahra Allaha u naxariistee waxa ay isbitaalka ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.
Xasan Maxamed Sabriye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...