Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed oo dib ugu laabtey Magaaladda baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV)- Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur galbeed mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen  oo muddo seddex maalin ah ku maqnaa degmada Ceellbarde ee gobolka Bakool ayaa maanta dib ugu laabtey magaaladda Baydhabo, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi, wasiiro, xildhibaano, ururada Bulshada, Fanaaniin iyo dhalinyaradda magaaldda Baydhabo.

Ugu horeyn waxaa garoonka diraayadaha Shaati gaduud shacabka iyo masuuliyiinta soo dhaweysay Lafta-gareen kula hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay safarkaan inuu ka duwanaa kuwii hore.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Laft-gareen ayaa ka warbixiyey safarkiisa Seddexda maalin ahaa ee uu ku joogey degmadda Ceelbarde gobolka Bakool, wuxuuna sheegay inuu  dhagax dhigey xarunta isbitaalka weyn, Shcoolka Degmada,  isagga oo sidoo kale xariga ka jarey Xarunta Cusub Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,  sidoo kale Lafta-gareen ayaa Ceelbarde ka daah-furey shirka Dib u heshiisiinta Dadka dega gobolka bakool, wuxuuna kula dardaarmey in la iska ilaaliyo dan gaar ah, loona jiheysto horumarka gobolka iyo siddii looga Xoreyn lahaaa kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa u mahad-celiyey shacabka, Odayaasha iyo siyaasiyiinta degmadda ceelbarde, sidoo kale wuxuu u mahad celiyey dadkii kuso dhaweeyey magaalada baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...