Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa mid guul leh

Date:

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qoro erayadan kooban oo aan ku cabbirayo dareenkayga farxadda leh. Rai`isul Wasaare Khayre socdaalkiisa Galmudug wuxuu iftiimiyay sida geesinnimada leh, daacadnimada leh ee uu horeseedka uga yahay iney Soomaaliya xor noqoto, dadkeeduna wada Walaaloobaan.

Wuxuu ku soo celceliyaa DAWLADNIMADA AAN DOONEYNO WAA TEE? Taasoo uu jawaabo sax ah ka bixiyo, waxaana kuu muuqanaya markii aad raacraacdid erayadiisa iney macno weyn bixinayaan, macnahaasoo sida aan ka arkay ay aad iyo aad u fahmayaan dhallinyarada.

Si fiican u dhegeyso khudbadihii uu dhowaan ka jeediyay goobihii uu tagay, wuxuu ku dareensiinayay dadka oo dhan gaar ahaanna dhallinyarada khayraadka Ilaah siiyay dalkeenna iyo sida aan uga gaajesyannahay, taasoo keentay nabad la`aanta, qabyaaladda, musuqmaasuqa, kala qoqobka iyo xudduudaha luggooyada ah ee gobollada. Wuxuu markaas u iftiimiyaa sida looga bixi karo dhibaatooyinkaas oo ah iney dhallinyaradu u midoobaan horumarka dadka iyo dalkooda.

Waxaa tusaale qiimo leh ahaa markii uu RW Khayre u soo qaatay tusaale labadii dhallinayrao ee kala ahaa AUN Cabdullaahi Ciise iyo AUN Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro), kuwaasoo ka soo kala jeeday laba daan ee Gaalkacyo, macnaha ma kala lahayn qaybta Puntland iyo qaybta Galmudug, ma kala lahayn laba qabiil ee waxay ahaayeen Soomaali, waxayna wada doonayayeen iney gaaraan xornimo.

Wuxuu tusaalahaas u soo qaatay In labadaas Dhallinyarada ahi uu midkood midka kale u hibeeyay inuu naftiisa u huro, taasoo ku timid markii uu Cabdullaahi Ciise aadayay Qaramada Midoobay si uu khudbaddiisii taariikhiga ahayd uga jeediyay oo lagu codsanaayay in Soomaaliya xornimo la siiyo. Sida badan waxay ahayd in qof kastoo safraya la tallaalo oo irbad lagu mudo. Dadkii daacaadda ahaa ee Soomaaliyeed waxay ka shakiyeen oo tuhmeen in irbadda lagu mudi rabo Cabdullaahi Ciise ay noqon karto mid sun ah, dabadeed waxaa soo baxay AUN Muuro oo sida la sheego aad ugu ekaa Cabdullaahi Ciise, wuxuuna yiri anigaa isaga isku beddalaya in la I tallaalo oo irbadda laygu mudo si uu Cabdullaahi u badbaado, haddii ruux dhimanayana aan angia dhinto intuu dhiman lahaa Cabdullaahi Ciise, sidaas ayaana la yeelay.

Tusaalahaas Khayre wuxuu noqday mid Dhallinyaradii Gaalkacyo qiiro wayn geliyay oo sacabka kala goyn waayay. RW Khayre wuxuu khudbadahaas jeedinayay isagoo ay indhihiisu illintu caseysay.

Socdaalkan RW Khayre ee Galmudud wuxuu siiyay fursad wayn oo qaali ah oo soo bandhigtay awoodda uu Ra’iisul wasaaraheenna maanta u leeyahay inuu dadka Soomaaliyeed kula hadli karo af iyo feker ay fahmi karaan iyo qofka hortaagan waxa dhabta ah ee uu kala hadlayo.

Waxaa ii muuqda iney dhallinyarada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay aad u fahmeen dawladda hadda jirtaa ee Soomaaliyeed, sidaas si la mid ah waxaa qof kasta la gudboon in dawladdan lagu taageero waxqabadkeeda, haddii ay jiraan khaladaad iyo daldalooyinna si daacadnimo leh wax loogu sheego oo la wada toosiyo. U maleynmaayo inuu jiro qof diidaya in la siiyo talo habboon oo wax ka tareysa shaqadiisa, waase haddii wax loogu sheego si aan cadawtinnimo ahayn iyo meesha ha laga kiciyo.

W/Q:-Abdulkadir Mursal

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...