Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Toddobaalaha Ah Ee Golaha Wasiirrada

Date:

Khamiis, July 11, 2019—Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ay golohu yeesheen ayaa looga hadlay sharciga difaaca qaranka iyo siyaasadda daryeelka bulshada oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha difaaca iyo shaqada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee dalka, howl-gallada laamaha amnigu ay ku baacsanayaan kooxaha nabad diidka ah iyo qorshaha dardar gelinta sugidda amniga.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu socday shirku waxa uu golaha warbixin ka siiyay socdaal ay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ku tageen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka oo isugu jiray xubna ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno ka socda labada gole.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...