Quburo ka socota Jaamacadda Carabta oo bogaadisay sida ay u shaqayso hay’adda duulista Hawada Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Xubno ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta oo Muqdihso ku sugnaa Maalmahaan ayaa laga sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport.

Quburadan oo ka kooban Afar xubnood ayaa Muqdisho u yimid in ay qiimeyn ku sameeyaan maamulka Hawada Soomaaliya, si loo ogaado heerka jewiga guud ee Madaarka iyo sidii ay Gacan uga geysan lahaayeen tababarrada shaqaalaha iyo qalabaynta Garoomada Dalka.

Xubnahan ka socday Ururka hay’adda duulista Rayidka ee Jaamacadda Carabta, ayaa Afartii Cisho ee ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay si weyn ugu kuur galeen shaqada ka socota Garoonka, iyagoo Dowladda Soomaaliya ku ammaanay sida ay u xoojineyso horumarinta adeegyada Caalamiga ah.

Maareeyaha hay’adda duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay ka jawaabeen dalabkii Dowladda, isagoo intaa ku daray in ay soo dirtay Qubaro qiimeyn ku samaysa Garoonka, iyagoo u kuur galay shuruucda hay’adda duulista, wuxuuna sheegay in ay sameeyeen Dukumiintiyo qeexaya xogtii ay uruuriyeen.

Baarlamaanka Soomaaliya ayuu Maareeyuhu ka codsaday in ay dadejiyaan sharciga maamulka Hawada kaas oo wax ku ool u ah dhammaystirka qorshaha la wareegista Hawada Dalkeenna oo maraya heerkii ugu dambeeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...