Carruur ay Maleeshiyada Alshabaab ka afduubteen Sh/Dhexe oo la soo bad baadiyay

Date:

Kooxda la magac baxday macawiisleyda ee ka howl gasha deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle ay argagixisada Al-Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.

Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah masโ€™uuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.

โ€œWaxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xireenโ€ sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Arintan ayaa qeyb ka ah tacaddiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah baniโ€™aaddanimada oo maleeshiyaadka Al Shabaab looga bartay in ay kula dhaqmaan Shacabka Somaaliyeed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...