Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay Ankara

Date:

Ankara-(SNTV)-Munaasabad ku saabsanayd is-dhexgalka Bulshooyinka walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Xalay  lagu qabtay Magaalada Ankara ee caasimadda Dalkaasi.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay, Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaannada Labada Dal, Ganacsato, Dhaqaatiir, Cuqaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay dhammaantood ka muuqato bogaadin iyo in ay ku faraxsan yihiin is dhexgalkooda.

Safiirka Soomaaliya u jooda Turkiga, Danjire; Jaamac C/llaahi Caydiid, ayaa sheegay in Dowladda ugu dhow Soomaaliya ay tahay Turkiga xiriir ballaaranna uu ka dhexeeyo Labada dhinac, wuxuuna aad ammaanay waxyaabaha wanaagsan ee ay Soomaalida ku soo kordhisay Turkiga oo ay ka mid yahay ganacsiga furfuran.

Xildhibaan, Axmed Macallin Fiqi, oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Garab istaagtay Soomaaliya, isagoo ku dheeraaday sida wanaagsan ee ay muwaaddiniinteenna u soo dhoweysay xukuumadda Ankara, wuxuuna Labada Shacab kula dardaarmay in ay adkeeyaan xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya.

Farxaan Maxamed Dhoorre, oo ah maamulaha Shirkadda Guuleed (Real State), ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay munaasabad noocan oo kale ah ku qabsadaan Dalka Turkiga, kuna guuleystaan qaban qaabadii ay u galeen qabsoomidda kulankan ee lagu xoojinayo xiriirka Labada Shacab, isagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan qabashada munaasabado kale oo tan la mid ah.

Munaasabaddan ayaa kusoo beemeysa xilli uu aad u sii xoogeysanayo xiriirkii soo jireenka ah ee Labada Shacab, iyadoo ay waayadii dambana aad usoo badanayeen Dadka Soomaaliyeed ee degaya ama siyaabaha kala duwan u tagaya Dalka Turkiga, taas oo sii adkaynaysa cilaaqaadka qotoda dheer ee Muqdisho iyo Ankara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...