Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali Najax, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay, Guddoomiye ku xigeenka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Guddoomiyaha Degmada Marka iyo ku xigeennadiisa, Guddoomiyaha Degmada Qoryooleey.
Mudane; Najax, oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay booqdeen Magaalada qeybaheeda kala duwan, sida Isbitaalka iyo goobaha muhiimka ah.
Wuxuu sheegay in ay la kulmeen , mas’uuliyiinta degaanka, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, isla markaana ay kala hadleen sidii si wada jir ah laysaga kaashan lahaa nabad gelyada, loona abuuri lahaa jewi iskaashi oo dhex mara Shacabka iyo Ciidamada, si meesha looga saaro in ay argagixisada ay ka faa’iideysato.
Wuxuu sheegay Guddoomiyuhu in ay Bulshada iyo Ciidanka oo wada jira ay ku boorriyeen in ay iska kaashadaan sidii loo furi lahaa Waddada isku xirta Marka iyo Qoryooleey, si halkaasi looga Cirib tiro haraadiga Al-Shabaab.
“laamaha amni iyo maamulka ayaa sheegay in ay ku ballansanyihiin sidii ay uga wada shaqeyn layaheen midnimada Shacabka Gobolka Shabeellada hoose, oo aan dambiilayaashana loo oggolaanin in ay helaan gabbaad Qabiil” ayuu yiri Guddoomiye Najax.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, mudane, Ibraahim Aaden Cali, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah oo lagu dhammeystirayo ka bogsooshada colaaddii sokeeye ee ragaadiyay.
Wuxuu intaa raaciyay in ay la kulmeen Culimaa’udiinka, Oday dhaqameedyada, Cuqaasha, Haweenka, Dhallinyarada iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo gaaro wada noolaasho dhex marta Beelaha halkaasi wada dega.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa dedaallo xooggan ugu jira sidii loo furi lahaa Waddooyinka Gobolka ee ay nabad diidku go’doomiyeen iyo soo celinta adeegyadii Bulshada.
Waa markii ugu horreysay ee wafdi heerkan oo kale ah uu kormeen shaqo ku tago degaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna sheegay in ay safarrdooda sii wadi doonaan.