Xuseen Ceelaabe wuxuu ahaa Qaamuus ka baxay Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Alle ha u naxariistee Xuseen Ceelaabe faahiye, waxaa uu ku dhashay magaalada Seylac ee gobolka Awdal, halkaas ayuu ka bilaabay waxbarashada, Dugsigii qur’aanka, 1947 dii ayuu galay waxbarashada aas- aasiga oo ku soo dhammeystay gobolada waqooyi.

Geeridiisa ka hor mar uu ka faalooday biloowgii waxrashadiisii waxa uu yirri”  iskuulka waxaa gacantiisa igu qoray Sh Cabdirahmaan Qaadi aad baan u gaabnaa waxaa igu wargaliyey inaan da’dii iskuulka gaadhin Macalin Xasan  Allatuug oo ardayda qorayay, Waxbarashada oon aad u jeclaa aawadeed daaqada fasalka ayaan subixii Soo joogsan jiray laba maalmood ayuu isha ila helay Cabdirahmaan Qaadi  Maalintaa ayuu go’aansaday inuu ii qoro iskuulka isagoo agabkii waxbarashada dhammaan iguddoonsiiyey”

Waxaa uu ka mid ahaa dhowr qof oo lagu aas aasay wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya 1963-dii markaas oo wasaaradu aheyd xafiis hoostaga Ra’isalwasaarihii xukuumaddii rayidka.

ka hor shaqada waxbarashadii koowaad ee jaamacadda waxaa uu ku soo qaatay Makareri Collage, markii uu bilaabay shaqada waxaa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee loo qaaday Mareynkanka aqoon kororsi ahaan sida uu ii sheegay Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Soomaaliya Prof. Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocoow oo ay isla soo shaqeeyeenin in ka badan 30 sano.

”Waxa uu ahaa qof shaqo jecel, shaqada wuu inooga soo horumari jiray, waana uu nooga dambeyn jiray, waxaa uu ahaa Macalin na dhiira galiya oo shaqada nala qabta, wuu af gaabnaa waxaa uu ahaa Soomaali aanay u kala soocneyn dadkiisa” Prof. Qaloocoow”

1963-dii aas aaskii wasaaradda qorsheynta xiligii dowladii rayidka ilaa dowladii Milatariga burburtay 1991 dhammaan mashaariicdii waa weyned ee dalka laga hirgaliyay oo aan qoraal lagu koobi karin waxaa uu u ahaa laf dhabar Allaha u naxariistee Wasiir Ceelaabe

Aqoonyahanadii la soo shaqeeyay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa aabihii tirakoobka Soomaaliya (Father of Somali Statistics)

Xilal wasiir, xildhibaan, iyo heer maamul ayuu ka soo qabtay  golayaashii dowladihii Soomaaliya soo maray, haba ugu badnaadeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda.

kadib burburkii dowladii Kacaanka waxaa uu ka mid ahaa dadkii dhabar adeegay ee dalka aan ka bixin waxaana uu la soo shaqeeyay dowladihii ku meel gaarka ahaa iyo dowladaan rasmiga iyo tii ka horeysay.

“Waxaa uu ahaa Qaamuus Qaran, Aqoontiisii iyo waaya aragnimadiisii waa uu la tagay, lagama faa’iidaysan, lama fahmin, lama fahmin waxaa uu ahaa Qaamuus kan ugu sareeyo oo laga heli karo eray walba (Encyclopedia) dhulka Soomaaliya meelkasto waa uu yaqaanay waxa uu ku sheegi karay meel walba iyo mashruuca ku haboon Xuseen Ceelaabe” Prof Qaloocoow

Prof:  Xuseen Siyaad oo ka tirsan Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo ay soo wada shaqeeyeen waxaa uu ku tilmaamay qof mudan xasuus oo lahaa dad isku wadid Soomaalinimaduna ku weyn tahay.

” Alaha u naxariisto Xuseen Ceelaabe wax weyn ayuu ka soo qabtay horumarka dhinaca dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed, intaan ka aqaano waxa uu ahaa nin dad wada wanaagsan, dadka makala saari jirin, wuu la shaqeyn jiray soona dhaweyn jiray waxaa uu ahaa hogaamiye (Team Leeder) waxaan rajaynayaa in dowladu qirto kaalintii uu ka soo qabtay dhaqaalaha Soomaaliya oo meel qiimo leh lagu magacaabo si magaciisa jiilka soo korayo ugu daydaan” Prof. Xuseen Siyaad

Alle ha u naxariistee Wasiir Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa uu ka mid noqday dadkii ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho 22 kii May 2019 maalin Ramadaan ah isla maalinkii xigay ayaa Muqdisho waxaa loogu sameeyay aas Qaran.

Sida muuqato aqoontii iyo waaya aragnimadii uu lahaa sidii mudneed loogama faa’idin.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaalliya Prof. Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocoow) waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto Aqoonyahanada waaya araga ah ee nool si aanay u lumin taariikhda ummadda, masuuliyad gaar ahna ay  iska saaro dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray Cabdishakuur Cali Axmed

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...