Dhahar oo caawa u soo gudbay wareegga Afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa Shan iyo labaatanaad ee wareegga saddexaad ku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Hodan iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Hodan

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay  Toban (10) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Hodan, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Toban iyo labo (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 25-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Afaraad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 26-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, iyadooo qeybta hore ay ku balansanyihiin Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta labaad ay ku loolami doonaan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Howlwadaag oo iyana ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan...

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  ka guddoomay waraaqadaha aqoonsiga...