Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan

Date:

Muqdisho (SNTV):-Shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta markii shanaad ka qeyb qaatay Ololaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.

Hawl-wadeenada Madaxtooyada ayaa saaka xaadiray dhismaha Madxafka Qaranka halkaas oo ay ka socoto shaqada Isxilqaan ee dib u hawl-galinta Madxafka, sida caadi ahayd waxa ay shaqaaluhu isu qeybiyeen dhawr koox iyaga oo shaqo fiican ka qabtay dhismaaha Madxafka.

Ismaaciil Macalin Cabdullaahi oo ah hoggaanka Isxilqaan u qaabilsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shaqaalaha Madaxtooyada ee Isxilqaan ka qeyb galayay warbixin ka siiyay heerarka shaqada ay soo martay iyo kaalinta ay ku leeyihiin, waxa uuna kula dardaarmay in ay kasoo dhalaalaan doorkooda.

Dhismaha Xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Ololaha Isxilqaan ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS ayaa si xawli ah uga socda dalka iyada oo heer gabogabo ah ay marayaan dhismayaasha, Tiyaatarka Qaranka, Maktabadda, Madxafka iyo taalooyinka taariikhiga ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...