Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Dekadda Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo dekadda magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Maryam Aways, agaasima waaxeedyada, khuburo kale oo ka howl gala wasaaradda iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Kormeerka uu dekadda ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayuu ku maray qaybaha kala duwan ee dekadda oo ay kamid tahay qaybta canshuurta dekadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka canshuuraha oo uga war bixiyay sida ay howshu u socoto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka dekadaha, agaasimayaasha iyo maamullada dekadda iyo canshuuraha in ay sii laba jibbaaraan howlaha ay qaranka ugu adeegayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...