Ciidanka Xoogga dalka oo Gargaar caafimaad u fidiyay shacabka deegaanka Moordiinle

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ciidamada Xoogga dalka oo tagay deegaanka Moordiinle ee hoostaga deegaanada Sabiib iyo Canoole ayaa shacabka ku dhaqan deegaanka u geybiyay daawooyin caafimaad xilli dadka ay ka cabanayaan xaalado caafimaad daro.

Sidoo kale, dhaqaatiir ka socota Ciidanka Xoogga dalka ayaa xog wareysi caafimaad la yeeshay dadka jilicsan ka dibna qaar baaritaano gaar ah u sameeyay.

Dhaqaatiirta Ciidanka Xoogga dalka ee Baaritaanka caafimaad u sameynayay shacabka ku dhaqan deegaanka Moordiinle ayaa sheegay in mudo 7-sano ah cadowga ay shacabka ku hayeen cadaadis una diideen wax kasta oo nolosha oo asaasiga u ahaa.

Shacabka ayaa soo dhoweeyay gargaarka caafimaad ee ay ka heleen ciidanka Xoogga dalka,waxayna ku ilaabeen dhibaatadii ay kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibaahim Aadan Cali Najax ayaa kormeeray furumaha hore ee ciidanka Xoogga dalka ay lu leeyihiin deegaanada Sabiib iyo Caanoole si loo dhiira geliyo ciidanka loogana Difaaco cadowga iney dhacabka dhibaateeyaan.

Guddoomiye Najax oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaarsan yihiin sidii haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab looga sifeyn lahaa Guud ahaan Gobolka Shabeelaha hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...