Maamulka Gobalka Nugaal oo Garowe Afur Sharafeed Ugu Sameeyay Raโ€™iisul Wasaare Khayre iyo Wafdigiisa

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudan Xasan Cali Khayre ayaa caawa ka qeyb galay afur sharafeed uu maamulka gobolka Nugaal u sameeyay wafidiga Raโ€™iisul Wasaaraha ee ku sugan magaalada Garowe.

Afruka Sharafeedka ay maamulka gobalku u sameeyeen ayaa waxaa Raโ€™iisul Wasaaraha ku wehliyay wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno, guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Masโ€™uuliyiin Kale.

Dhanka kale, Raโ€™iisul Wasaare Khayreย  ayaa caawa booqday qaar kamid ah goobaha ay bushadu ku kulanto ee magaalada Garoweย  si uu u xog waraysto shacabka magaalada una ogaado, isaga oo sidoo kale tegay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dadka uu la kulmay ka dhagaystay talooyin iyo fikrado muhiim ah ayaaย  bogaadiyay wada shaqaynta ka dhexeysa shacabka iyo madaxdooda iyo nabad geliyada iyo horumarka ay iska kaashadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...