Isbitaalka daweynta iyo Qalliimada Isku-furanka oo Xariga laga jartay

Date:

Muqdisho (SNTV)–Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur ayaa shalay xariga ka jartay Xarunta Daaweynta iyo Qaliimada Xanuunka Isku-furanka Haweenka(Fistula).

Xaruntaasi ayaa laga furay Isbitaalka Guud ee Dayniile, waxaana Xaruntaasi si mutadawcnimo ha u dhisay Ganacsade ka tirsan bulshadda Degmada Dayniile, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay ku Qalabaysay in ka badan 150 sariirood oo lagu daawaynaayo haweenka la il-daran Xanuunka Isku-furanka (Fistula).

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaliya ayaa hirey u fulisay olole qaliin loogu sameeyey in kabadan 800 oo bukaaan, Qaliimadaas ayaa ka dhacay Isbitaalka Guud ee Dayniile.

Wasaaradda Cafimaadka Soomaliya waxay u mahad celinaysaa Hey’adda Physicians Across Continents (PAC) oo qeyb weyn ka qaadatay daawaynta iyo qaliimada xanuunka Isku-furanka haweenka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...