Ciidanka Ammaanka oo Miinooyin aad u culus kasoo saaray Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Date:

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Maleeshiyada arxanka darran ee Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...