Ciidanka Ammaanka oo Miinooyin aad u culus kasoo saaray Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Date:

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho, ayaa Warbaahinta sharaxaad ka siisay Howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Amaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Argagixisada Alshabaab inay ka tirsan yihiin iyo dhagar qabe kale oo isaggoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay kasoo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Maleeshiyada arxanka darran ee Alshabaab, kuwaasi oo ku dhex dhuumanaya Bulshadda Dhexdeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...