Raiisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka

Date:

Washington (SNTV) Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, mudadii uu joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo kala duwan la yeeshay dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID, waxayna isku afgarteen in la sii xoojiyo xiriirka iyo wadashaqaynta labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu kale ee uu ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka, shirkaas oo looga hadlay geeddi-socodka dayn-cafiska ee dalka Soomaaliya oo ay ka soo qayb galeen deeq bixiyayaasha iyo hay’ado caalami ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa isla qiray horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta hay’adaha nidaamka kobcinta dhaqaalaha, iyadoo Soomaaliya buuxisay shuruudahii ilaa hadda looga baahnaa barnaamijka geedi-socodka dayn cafiska ee ay hay’adda lacagta adduunka korjoogtayso.

Waxaa la isku raacay in waddada kaliya ee lagu garab istaagi karo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya ay tahay in la sii ambaqaado qeybta ugu dambeysa ee barnaamijka go’aanka looga gaarayo deyn-cafiska Soomaaliya ugu dambayn bisha Febraayo 2020.

Dowladaha deynta ku leh Soomaaliya ayaa u riyaaqay in dowladda Soomaaliya muujisay in ay awood u leedahay in ay la jaanqaadi karto hannaanka dhaqaalaha caalamiga ah iyadoo laga tusaale qaadanayo guulaha laga gaaray dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda muddo gaaban gudaheed.

Si dhaqaalaha dalka loo hormariyo, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an dardargelinta dhammaystirka barnaamijka deyn-cafiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...