Shirkii Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo geba gebeeyey Qatar

Date:

Doha (SNTV)-Shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu soo geba gebeyeey magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar,waxaana ka qeybgalay Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan,ee wadamada ku mideysan oo ay Soomaaliya kujirto.

Shirkan ayaa geba gebadiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay wadashaqeynta baarlamaanada aduunka,iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyin badan oo kajira dalalka caalamka qaarkood.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar waxaa ay shir gaar ah la qaateen Guddoomiyeyaasha Guddiyada:
1. Guddiga Saaxiibtinimada Qadar iyo Afrika; iyo
2. Guddiga Saaxbtinimada Qatar iyo Dowladaha Carabta ee Golaha Shuurada Dalka Qadar.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta labada dhinac, isla markaasna la sameeyo guddiyo saaxiibtimo oo ka kooban Labada Aqal ee BFS, kuwaas oo gacan wayn ka gaysan doonna adkaynta xiriirka saaxiibtimo iyo kan walaaltinimo ee labada Dowladood iyo waliba wada shaqayn xooggan oo dhex marta labada Gole (Golaha Shuurada Qadar iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...