Maamulka Gobalka Hiiraan oo faah faahiyey howlgallo ka dhan ah argagixisada iyo duqeymo laga fuliyay Gobalka

Date:

Hiiraan (SNTV)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka socdaan qeybo ka mid ah Gobolka, ayna jiraan duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee Gobolka ay tahay mid degan, ayna jiraan qorsheyaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo intaa ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxa ay ka dhaceen dhanka Koonfur Galbeed iyo waqooyi bari  goobo kaga beegan Beledweyne oo ah meelo looga shakisanyahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa bartilmaameed ku socday,  qasaaro badan ayaana loogu geystay argagixisada, lamana xadidi karo tirada looga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Argagixisada, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka ee Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...