Maamulka Gobalka Hiiraan oo faah faahiyey howlgallo ka dhan ah argagixisada iyo duqeymo laga fuliyay Gobalka

Date:

Hiiraan (SNTV)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakooy, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka socdaan qeybo ka mid ah Gobolka, ayna jiraan duqeymo xagga cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Cabdiraxiin Muxumed Taakooy ayaa sheegay in guud ahaan xaalada amniga ee Gobolka ay tahay mid degan, ayna jiraan qorsheyaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ay argagixisada ku doonayaan inay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo intaa ku daray in duqeymihii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolka lagu dilay maleeshiyaad dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxa ay ka dhaceen dhanka Koonfur Galbeed iyo waqooyi bari  goobo kaga beegan Beledweyne oo ah meelo looga shakisanyahay inay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada, duqeymaha waxa ay ahaayeen kuwa bartilmaameed ku socday,  qasaaro badan ayaana loogu geystay argagixisada, lamana xadidi karo tirada looga dilay maleeshiyaadka Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka socdaan howlgallo amni xaqiijin ah si looga hortago dhagarta ay maleegayaan Argagixisada, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka ee Gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...