Wasiirka Maaliyadda XFS oo qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka uga socda magaaladda Marrakech ee dalka Morocco.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wadahadallo la yeeshay  Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka iyo wakiillo kale ee ka socday Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneeya Soomaaliya.

“Maanta waxay ahayd maalin wax ku ool ah oo howlo badani ay nooga qabsomeen shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamiga Waxaan wadahadallo yeelanay Madaxweynaha, M/weyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka & wakiillo kale ee ka socday hay’adaha muhiimka ah sida Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneynaya Soomaaliya”ayuu yiri Wasiir Bayle.

“Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, dalkeena waxaa bogaadiyey oona tageero buuxda u muujiyey dhamaan hey’addaha caalamiga ah iyo bahwadaaagta Soomaaliya kala shaqeynta horumarinta, midaasna ayaana nagu dhiirigalineysa inaan sii wadno wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya, dowladda, shacabkeeda iyo hey’addaha iyo wakiiladda caalamka, si aynu hore ugu sii dhaqaaqno meesha aynu joogno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...