Adeegga Bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo laga hirgeliyey Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Faransiiska

Date:

Paris (SNTV) Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay”adda Socdaalka Jinsiyadda Soomaaliya G/sare Cabdifitaax Shaawey iyo sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Paris Axmed M. Xaaji Cali ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay adeegga bixinta Baasaboorka oo laga hirgaliyay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Col. Cabdifitaax Shaawey iyo wafdigiisa ayaa maalmahaan safarro shaqo ku mari doona qaar kamid ah dalalka yurub, iyaga oo xarumo cusub oo laga bixiyo Baasaboorka ka dhaqan-galin-doona dalal kale oo Qaaradda ah.

Wafdigaan ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo Safaaradaha laga bixiyo Baasaboorka, si uu ugu kuurgalo habsami-u-socodka adeegyada.

Ujeedada socdaalka wafdigaan ayaa ah baahinta adeegyada Baasaboor-bixinta iyada oo mar walba laga jawaab-celinayo baahiyaha ay Bulshada Soomaaliyeed ee yurub ku nool u qabaan adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...