Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in bisha May la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay xafiiskiisa ayaa jaamacaddaha dalka ku amray in aysan qaadan Karin ardey aan ka qeyb galin imtixaanka guud ee qaranka.

“Maanta laga bilaabo wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  waxay go’aan ku gaartay islamarkana jaamacaddaha dalka ka mamnuucday  inaysan qaadan Karin ardey aan soo marin imtixaanka qaran ee dalka, waana ku kormeeri doona dhammaan jaamacaddaha”ayuu yiri wasiirka waxbarashadda Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in imtixaanka sannadkan uu dhici doono 11 ilaa 16-ka bisha May ee soo socota.

“Sannadkan imtixaanka waxaa u fadhisan doona 45 kun oo ardey, dhammaan gobollada dalka 11-16-ka bisha May ee soo socota, wasaaradda waxay soo gaba gabeysay maalintii shalay dhammaan wax kasta oo ku saabsana imtixaanka, ardeyda sannadkan ka baxeysa dugsiga sare waxay korodhay boqolkiiba 20-tan taasna waxaa ugu wacan nabadda’ayuu yiri wasiir Goodax.

“Dhamma an hay’addaha kale ee  dowladda waxaan ka rabnaa inay nagala qeyb qaatan ilaalinta imtixaanka sidii markii horaba noogala qeyb qaadan jireen, dowladda goboleedyada, maamulada iskuullada iyo waalidiinta waxaan ku boorinaya inay kaalintooda ka qaatan qabsoomida imtixaanka qaran”ayuu yiri Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashadda xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin laha waxbarashada dalka iyo qabsoomida imtixaanka sannadkan.

Ugu dambeyn Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...