Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo soo xirey shirka dib u dhiska kaabayaasha Dhaqaalaha ee Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa sooxiray maanta shirka dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka oo muudo saddex maalmood ah kasocday muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Wasiirada Hawlaha Guud ee maamul goboleedyada dalka, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta frika, Khubaro Ingineero soomaaliyeed & Midowga Yurub.

Mudadii uu shirku socday waxaa doodo iyo latashiyo lalayeeshay Wasiirada Maamul Goboleedyada sida ugu wanaagsan uguna dhakhsaha badan ee lagu horgalin karo dhismaha wadooyinka isku xira gobolada dalka.

Ilaa afar waddo oo waawayn iskuna xira gobolada dalka ayaa ladhisidoonaa waxaana kamid ah Baladwayne – Gaalkacayo, Gaalkacayo – Garoowe, Gaalkacayo – Hobyo, Iyo Luuq Ganaane – Doolow.

Gabagabadii shirka waxaa lagu kala saxiixday heshiiska dhismaha wadooyinka wasiirka wasaaradda hawlaha guud DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa saxiixay waxa uuna xusay Muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay dhismaha Wadooyinku.

Sidoo kale Wasiir Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu isla maanta saxiixay heshiis deeq ay dowladda talyaanigu kaga qayb qaadanayso dhismaha wadooyinka isku xira gobolada.

Waxaa uu shir laqaatay safiirka dowlada talyaaniga ee soomaaliya, madaxa haayadda horumarinta talyaaniga & bangiga horumarinta afrika.

“Waxaa halkan kamuuqanaya oo tani fariin ay u tahay sida ay dhab nooga tahay in aan wadankeen dib u dhisano oo qof walba wixii hore inta meel la iska dhigo aan usoowada jeensano sidii wadanka lagu dhisi lahaa anagoo dhan Wasiiradeena, Agaasimayaasheena & hawl wadeenada.

Wasaaradda Hawlaha Guud shaqadadeedo waxaa weeye in wadanka dib u dhisto” ayuu yiri Wasiir Hoosow gabagabdii Shirka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo Shabeelaha hoose laga fuliyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay...

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka oo kulammo doceedyo la yeelatay Madax kala duwan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....