Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Qayb Galay Munaasabadda Daah-furka Horumarinta Dhaqaalaha Gobalada Dalka

Date:

Kismaayo; –Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Dawlad gobaleedka Jubaland uga qayb galay munaasabadda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Dhaqaalaha Goballada dalka ee (ILED)

Munaasabadda lagu daad-furayay mashruucaan oo muhiim u ah umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS iyo Wasaaradaha Qorsheynta Dowladd gobaleedyada, wakiilka midawgaYurub ee Soomaaliya.

“Muhiim ayey ii tahay in aan arko hindisaha nuucaan oo kale ah, sababta oo ah laf-dhabarta siyaasadaha dalkeenna waa in aan hagaajinno dhaqaalaheenna. kobcinta dhaqaalaha waxa ay noo tahay muhiimadda koowaad”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Midawga Yurub ayaa mashruucaan ku bixinaysa 83 Milyan Yuuro, waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta DFS, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa mashruucaan u saxiixay dawladda, dhanka midawga Yurub iyana waxaa u saxiixay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Wakiilka Midawga Yurub ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...