Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Dalka dib ugu soo Laabtay

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro shaqo uu ku kala tagay Dalalka Jordan iyo Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa Dalka Jordan kaga qeyb galay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta, isagoo Khudbad uu ka jeediyay madaxda Baarlamaanada Carabta ugu sheegay in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka looga baahan yahay in si wadajir ah ay u wajahaan ciribtirka Argagaxisada si looga hortago qataraha iyo xasuuqa ay ku hayaan shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...