Guddoomiyaha golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiir Xoosh

Date:

Ankara-(SNTV)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo howlo shaqo u jooga Dalka Turkiga ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid AUN Wasiirkii Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum; Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Wasiirka ayaa Maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta , isagoo Alle uga baryay in naxriistii Janno uu ka waraabiyo Ahelkii, qaraabadii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wasiir  , Cabdirxamaan Xoosh Jibriil ,waxa uu ahaa Wasiir ay ka go’antahay Inuu si wanaagsan ugu adeego Dadkiisa iyo Dalkiisa, isagoo ahaa ahaa shaqsi ay ku weyntahay Dowladnimada iyo Soomaaliya oo horumar kan kasii balaaran gaarta, wuxuuna si gaar ah uga shaqeynayay sidii ay Soomaaliya u yeelan laheyd Dastuur dhameystiran” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn sheegay in isagoo ku hadlaya Magaciisa iyo kan guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka uu  tacsi gaar ah u dirayo Ehelka, qaraabada marxuumka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Soomaaliya waxa uu ahaa  Abuukaate wax ku soo bartay Dalka Canada, July 2011-kii ilaa November 2012-kii, waxaa uu ahaa Wasiirkii Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladdii xiligaas jirtay,sidoo kale Sanadkii 2012-kii wixii ka dambeeyay, waxaa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii 9aad, guddiga xuquuqul insaanka ayuu sidoo kale ka mid ahaa.

Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la qaadatay hay’adaha gargaarka iyo Ururrada samafalka gudaha Dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), Md. Maxamuud Macallin Cabdulle,...