Wasiir ku-xigeenka Gar-gaarka oo la kulmay wafdi ka socda Malaysia

Date:

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  soo gaaray wafdi ka socday dalka Malaysia gaar ahaan Hya’adda Islaamic relief,kuwaasi oo u yimaadey sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen qorshe ay ku doonayaan mashaariic horumarineed oo dhanka gar-gaarka ah oo ay ka fulin lahaayeen goobaha dhibaatooyinka ay ka jiraan ee gobolada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Gar-gaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya iyo agaasimaha guud ee wasaarada ayaa soo dhoweeyey xubnaha wafdigaasi,waxaa ay Muqdisho ku yeesheen kulan xog wareysi ah oo ku aadan ujeedka socdaalkooda.

Seyruu Shaafidiin Seynul Cabidiin oo ah madax hay’adaasi ee Soomaaliya oo wafdigaasi hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay dhowr arrimood oo ay kamid yihiin dhiiro gelinta howlwadeenadoodi Soomaaliya oo ku guuleystay in ay fuliyaan mashaariic badan,sidii kale in ay soo qiimeeyaan deegaanada kale oo ay baahiyuhu ka jiraan,si ay kaalin uga qaataan dhaqaale u raadinta gar-gaarkaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gar-gaarka Mudane Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankooda.

“Waxaan soo dhoweynay wafdigan ka socday Islamic Relief oo ka shaqeysa gar-gaarka iyo caawinta dadka danyarta ah,waxaan galnay shir aan isaga xog wareysanayanay ujeedka socdaalkooda,waxaa ay inoo sheegeen in deegaano badan ay tagi doonaan,iyagoo wada qiimeyn ku aadan baahiyaha,si loo helo dhaqaale uruurin oo dadkaasi lagu caawinayo,anagadna dowladda maadaama aanu nahay waa in aan ogaanaa hay’adaha fulinaya mashaariicda,sidaasi darteeda ayaan u qaabilnay”. Ayuu yiri wasiir C/rashiid.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...