Dowladda Qadar oo cambaareysay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV):- Dowladda Qadar ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkii argagixisadu ay ku laayeen dad shacab ah,kaasi oo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalo magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibada dalka Qadar ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Dooxa si adag uga soo horjeedo rabshadaha iyo falalka argagixisada ee sida wuxuushnimada ah u waxyeeleeya dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Waxayna Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeysay dadkii waxyeelada ka soo gaartay falkaasi argagixiso ee kooxda nabad diidka ay  habeen ka hor ka fulisay magaalada Muqdisho.

Dowladda Qadar ayaa ku celisay iney garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana ka taageereyso sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ee u soo tafa-xeetay iney laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...